Baar Mowducyada Halkan

Sunday, July 18, 2010

Maxay ku kala duwan yihiin Alshabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca?

Labadaba dhaqanki Soomaliyeed bay ka fogaaden o dhaqan Carab ama Ajaanib bay wataan! Waxa ka mid ah magacyadda Maamulka labada koxood o ay oga fogaanayan magacyadi islaameed ay Soomaalida la bixi jireen una cararaya kuwa Carbteed e abidkeen la bixi jirin ama Soomaalida aysan Kari karin in ay ku dhawaqaan. Sida, Abuu yuusuf al-qaadi u la baxay afhayeenka Ahlusunna, ama kuwa khawaarijta o la baxa magacyo Carbeed qofka Soomaaliga ah uusan ku dhawaaqi Karin sida: abu-subeyr, Abu Muscab, iyo wax la mid ah. Ayago dhamaan iska badalay magacyadi waalidkood ula baxeyn kuna eedeynaya in waalidkood ay khaldan yinhiin. Marka ma Carab, Afganistan, bakistan, iyo ajaanib cadaan ah ban u jiheysanay in an dabodhilif u noqonno, dhaqankeenana iska fogeyno? Dhaqankaga o laga tago Caro Alle e leedahay! Inta waxa kasi daran kuligood wa xukundoon raba qori caaradi in ay ku xukumaan dalka. Anigu waxaan u arka in ay dhamaantood isku mid yihiin (ayago hadba shaar cusub no so xiranaya) alqaacida, alsunna, alshabaab iyo waxi dhaqan keena iyo wadaadadi qarniyo ka hor Soomaalida diinta baray ay ka so horjeedan ayago dhaqan cusub wata, rabana in ay tirtiraan dhaqankeena iyo hidaheena, iyo in ay ajaanib wadanka faraha u gashaan.